Xasan Sheekh ma Itoobiya ayuu luminayaa mise waxaa la qafaali rabaa siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  waxa uu todobaadkaan booqday wadanka Masar, waa dalkii Shanaad oo Afrikaan ah oo uu booqdo.

Madaxweynaha labada jeer hantiyey xukunka Soomaaliya waxay kooxdiisu sheegtay inay raadinayaan siyaasad xasiloon oo dhanka arrimaha dibadda ah.

Isku dareen maahan shacabka, waxaa jiro qaar aaminsan in dadaalka guduhu uu muhiim u yahay fursadaha ka imaanayo dibadda, waxayna soo jeedinayaan inay madaxweynaha u haboon tahay dardar gelinta arrimahaan, laakiin kooxdiisa daciif ayey u aragtaa soo jeedintaas.

Socdaalka Masar ee madaxweynaha Soomaaliya “wuxuu abuuray tuhun la xiriira wada-shaqeynta nidaamka madaxweyne Xasan Shiikh iyo midka Itoobiya” ayey leeyihiin qaar kamid ah falanqeeyaashu.

Xukuumadda Abiy Axmed oo wax badan la wadaagtay nidaamkii madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkaan laga shakisnaa inay dib uga guran doonto nidaamka Xasan Sheekh.

Dib u gurashadaan oo markii hore loo arkaayey mid Itoobiya ku diidan tahay isbadalka ka curtay Soomaaliya ayaa hadda yeelan karta jawaab kale, waana xiriirka Soomaaliya iyo Masar.

Labada dal ee Africa ugu quwadda weyn Militari ahaan ee Itoobiya iyo Masar waxaa dhex yaala muranka webiga Niil, dhawaan waxaa la wariyey inuu dib u dhacay safar uu madaxweyne Xasan Shiikh ku tagi lahaa magaalada Addis Ababa, laakiin sababta lama caddeyn.

Inuu booqasho ahaan Itoobiya ku hormaro culeys badan kuma lahaateen Masaarida laakiin inuu hadda Qaahira ku hormaray kuma qanacsana Itoobiya, waxaana loo yeelayaa qiimo kala duwan.

Labada dalba inuu calaaqaadkooda hagaagsanaado waa u muhiim Soomaaliya. Itoobiya iyo Kenya labadaba waxaa lagu eedeeyaa inaysan marnaba raali ka noqon doonin inay Soomaaliya noqoto dal xooggan oo isku filan.

Masar maadaama iyada waqti dheer ay Itoobiya u aragtay halis weyn oo kusoo fool leh waxay mar walba muujisaa sida ay ahmiyad ugu tahay in Soomaaliya noqoto dal la tartami karo Itoobiya.

Inkastoo aan xisaabta mar walba la waafajin karin dagaal haddana Masaarida dhankooda waxaa laga soo wariyey inay taageero 100% u fidinayaan Soomaaliya.

Waxay noqon kartaa inay culeys ku saareyso Itoobiya, laakiin Soomaalida oo muddo dheer tuhunsan gar bidixeynta Itoobiya iyo Kenya waxaa halkaas uga muuqata fursad xoog leh.

Guuxa ka dhashay safaarkii madaxweyne Xasan Shiikh ee wadanka Masar oo ah inuu ku dhow yahay inuu lumiyo Itoobiya wuxuu daliil heli doonaa marka ugu horeysa oo uu Xasan Shiikh booqdo magaalada Addis Ababa markaas oo si furan loo fahmi karo booska ay taagan tahay Itoobiya.

Soomaaliya kuma qasbana inay qancinta wadan gaar ah u colaadiso dal kale, laakiin madaxweyne Xasan Shiikh waxaa laga rabaa siyaado dhanka xiriirka caalamiga ah.

Kal hore cilaaqaadka Masar ayuu hoos geeyey madaxweyne Farmaajo wuxuuna xoojiyey saaxiibtinimada Itoobiya, haddii uu isna Xasan Shiikh hoos geyso cilaaqaadka Addis Ababa oo uu kor keeno midda Qaahira ma jirto siyaado micno leh oo dhanka arrimaha dibadda ah.

Labada dalba waa u muhiim Soomaaliya, waxa la rabo in aad loo dhimo waa cadaawadda, laakiin mar walba danta Soomaaliya ayey ku xiran tahay midda ay aad ula falgeli doonto ayey leeyihiin dadka ka faalooda siyaasadda gobolka.

Su’aasha ah madaxweyne Xasan Shiikh ma wuxuu ku dhow yahay luminta cilaaqaadka Itoobiya weli ma heysato jawaab haa ah, sababtuna waa in labada dhinacba aynan weli qaadin wax tallaabo ah. In safarkii Masar taasi jawaab looga dhigana waxay la micno tahay in Soomaaliya lagu sifeynayo dal aan siyaasad ahaan u madax banaaneyn oo siyaasadiisa arrimaha dibadda ay qafaalan tahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa looga fadhiyaa inuu gacmaha ka laabto qadiyadaha gaarka ah ee labadaasi wadan isku hayaan oo uu abaaro waxa ay Soomaaliya ka faa’iidi karto cilaaqaadka labadaasi dal.