Abuu Muscab oo shaaciyey sababtii ay Al-Shabaab u dileen guddoomiye Waafow

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka howlgallada kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay dilkii maanta Marka loogu geystay guddoomiyihii degmadaas Allaha u naxariistee Cabdullaahi Cali Axmed Waadow, sidoo kale wuxuu sheegay in qaraxaas ay ku dileen 10 askari oo ilaalo u ahaa iyo labo xoghaye.

Sidoo kale Abuu Muscab ayaa sheegay in guddoomiye Waafow uu ahaa nin aad ula dagaalama Al-Shabaab, isla markaana ay mudo ku howlanaayeen sidii ay u khaaraji lahaayeen.

“Isku geyn dhimasho iyo dhaawac qaraxii maanta waa 21 qof oo isugu jirta Waafow iyo ilaaladiisii, wuxuu ahaa nin aad noola dagaalama,” ayuu yiri Afhayeenka howlgallada kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab.

Xubnihii Al-Shabaab ee soo qorsheeyey weerarkaas iyo kuwii wax ka fududeeyey, ayuu Cabdicasiis Abuu Muscab aad ugu mahad celiyey, qof naftiisa haligay ayaa maanta isku qarxiyey afaafka hore ee degmada Marka, waxaana halkaas ku dhintay guddoomiye Waafow iyo 10 qof oo kale.

Dhinaca kale Afhayeenka howlgallada kooxda Al-Shabaab ayaa codkaan uu soo duubay ee lagu baahiyey warbaahinta kooxda wuxuu uga hadal weerarradii ay kooxdu ku qaaday deegaanada dhaca xuduuda gobolka Bakool uu la wadaago dowlad degaanka Soomaali Galbeed.

Wuxuu sheegay in ciidamadii ay ku weerareen magaalooyinka Yeed iyo Aato ay u dhigeen cashar lama ilaabaan ah, isagoo sheegay in ciidamadaas ay difaac u ahaayeen waxa uu ugu yeeray ‘Xabashida’.

Sidoo kale Abuu Muscab ayaa weerarkii magaalooyinkaas ku tilmaamay inuu la mid ahaa duulaan ay seddax bilood ka hor ku qaadeen degaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo ciidanka Burundi ee ATMIS ay ku laayeen.