Sawirro: Xasan iyo Xamza oo kulmay iyo wararkii ugu dambeeyey magacaabista wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa saacadihii u dambeeyey kulaan la qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan safarro dibadda ah dalka uga maqnaa.

Ra’iisul Wasaaraha oo weli ku jira kulamadiisa wadatashiga ah ee la xariira dhismaha xukuumadiisa ayaa Madaxweynaha uga xog waramay halka ay marayso howshiisa xulashada golaha wasiirrada ee laga sugayo inuu soo magacaabo.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa marar badan balan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh Soomaaliya samata bixisa, kana jawaabta arrimaha mudnaanta u leh horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Xamza Barre ayaa labadii maalmood ee u dambeysay sameeyey kulamadii ugu badnaa isagoo la tashi la yeeshay dhinacyada culumada, warbaahinta, ganacsatada, dhalinyarada iyo dhamaan dhinac kasta oo talo uu ku tuhmaayey.

Kulamada ayaa xoogeystay kadib markii uu ra’iisul wasaaruhu baarlamaanka ka codsaday 10 cisho oo dheeraad ah inay siiyaan si uu u sii wado la tashiyadiisa ku aadan dhismaha xukuumadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa talo iyo tusaaleyn badan ku leh dhismaha xukuumadda, taas oo muhiim ka dhigeysan kulankaan uu ra’iisul wasaaruhu la qaatay maanta.

Mudada 10-ka maalmood ah ee Xamza Cabdi Barre uu codsaday ayaa ku eg 4-ta bisha soo socota ee Agoosto, waxaana la filayaa in bilowga bishaas uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirrada.