Daawo: DF oo arrinta wabiga Nile ka qaadatay mowqif aan Itoobiya farxad gelineyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Madaxyooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey safarradii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay dalalka Masar iyo Tanzania, isagoo shaaciyey qodobadii uu kala soo hadlay madaxda wadamadaas.

Sidoo kale Afhayeenku wuxuu ka hadlay mowqifka Soomaaliya ee arrinta biyo xireenka wabiga Nile, maadaama ay biyo xireenkaas isku heystaan wadamada Itoobiya, Masar iyo Suudaan.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Masar ayaa dhaliyey tuhun ah in Itoobiya ay ka xumaa karto, sidoo kale waxaa aad isha loogu wada hayey mowqifka ay Soomaaliya ka istaagi doonto arrinta biyo xiraankaan xiisada weyn ka dhex abuuray wadamo ay ugu horeeyaan Masar iyo Itoobiya.

“Biyaha webiga Niilku waxay maraan wadamo badan oo deris ah. Mowqifka DFS ee arrinta Webiga Niilka waa in ay si nabad ah uga wada faa’iideystaan dhammaan dalalka uu maro,” ayuu yiri Cabdikariin Cali Kaar, Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Mowqifkaan ay istaagtay Soomaaliya waa mid aysan ku farxeyn Itoobiya oo si cad u dooneysay in Soomaaliya ay kala safato Masar, riyadaas ayaa ku dhowaatay inay u rumowdo intii uu xukunka joogay Farmaajo, balse hadda waxay Soomaaliya ku adkeysatay kaalinteeda dhexdhexaadka oo caan ay ku tahay.

Hoos ka daawo afhayeenka