Daarusalaam (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Daarusalaam uga qayb-galay Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Dalladaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Horumarinta Bulshada Koonfurta Afrika (SADC), kaas oo laga hadlayey xal u helidda colaadda ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC).
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay madasha ayaa ka hadlay muhiimadda shirkan uu u leeyahay xasilloonida gobolka, waxa uuna soo bandhigay sida Soomaaliya oo ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay uga go’an tahau xoojinta doorka Afrika ee xal u helista dhibaatooyinka ka jira qaaradda,.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay xiisaradaha ka jira bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, isaga oo sheegay in xalka uu ku jiro is afgarad iyo nabad.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka digay sii so socoshada dhiiga daadanayo, wuxuuna labada dhinac ee is haya ugu baaqay inay fursad siiyaan wada-hadallada socda.
“Colaadda ka taagan bariga DRC waa musiibo bini’aadantinimo, waxayna u baahan tahay tallaabo degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta. Diblomaasiyadda wadajirka ah ee labada urur waa fure muhiim ah si loo yareeyo xiisadaha, waana in xal lagu raadiyaa wadahadal iyo is-afgarad, halkii dagaal xal looga dhigi lahaa,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Ugu dambeyn Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaallada nabadeed ee ay hogaaminayaan EAC iyo SADC, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato xalka colaadda DRC, iyada oo ka faa’iideysaneysa waayo-aragnimadeeda dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nabadda.