Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta laba guul-darro oo culus ay ka raacday doorashadii Aqalka Hoose ee maanta ka dhacday magaalada Jowhar.
Kursiga beesha Xawaadle/ Agoon ayaa waxaa ku loolamay musharixiinta kala ah: C/llaahi Goodax Barre, oo si aad ah uu Xasan Sheekh uga soo horjeeday, Maxamed C/llaahi Garguurte, Bile Iidle Sabriye, Muqtaar Xuseen Afrax.
Wareegii koowaad markii uu dhammaaday ayaa waxaa goobta tegay ciidamo ka socda kuwa ammaanka oo sheegay in Guddiga Doorashada Hirshabeelle uu amray in la joojiyo doorashada kursiga Beesha Agoon Cabdalle, ayada oo madaxweyne Xasan uu isku dayey inuu ka hortago guusha Goodax.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo taageeraya Musharax C/llaahi Goodax Barre ayaa isna amray in doorasahda ay sii socoto, isagoo ciidamo kale geeyay goobta doorashada, diidayna amarka Xasan Sheekh.
Natiijadii wareegii koowaad ee Doorashada ayaa noqotayC/llaahi Goodax Barre: 22 cod
Bille Iidle Sabriye: 19 cod
Maxamed C/llaahi Nuur: 10 cod
Mukhtar Xuseen Afrax: 0 Cod
Wareega labaad ayaad natiijadii noqotay in C/llaahi Goodax Barre ku guuleytay 32 Cod.
Dhinaca kale, Xasan Sheekh ayaa guul-darro kale ay ka raacday kursigii beesha Galmaax ee Wacbuudhan Abgaal, kadib markii laga adkaaday musharaxii uu watay.
Kursiga Galmaax Yoonis ayaa waxaa ku guuleysatay Dr. Mina Xasan Maxamed (Shibis) iyadoo heshay codad gaaraya 27 wareegii ugu horeeyay ee doorashada, halka Bakiin Maaxi ay ka heshay 24 cod.
Kursigan ayaa ahaa kursigii ugu horeeyay ee Beesha Abgaal oo haween kaliya ay ku loolameen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

