27.9 C
Mogadishu
Sunday, January 18, 2026

Ciidamadii Puntland ee loo diray Qandala oo is khilaafay iyo fashil cusub oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Puntlan ee dhawaan ku baxay Qandala ay ku fashilmeen inay gudaha u galaan Degmada.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay ku sugan yihiin tuulooyin aad uga fog magaalada Qandala, waxaana la soo warinayaa in fashilkooda uu yimid kadib markii ay is khilaafen Saraakiisha Ciidamada hogaamineysay.

Saraakiisha ayaa isku khilaafay qaabka ay howlgalka uga fulin lahaayen Degmada Qandala, waxa ayna taasi sababtay in socdaalka Ciidamada uu hakat ku imaado.

Saraakiisha uu khilaafka u dhexeeyo ayaa la sheegay inay wada hogaaminayaan ilaa 8 gaari nooca dagaalka ah iyo Ciidamo aad u farabadan.

Ciidamadaani ayaa muddo ku dhow hal asbuuc ku sugan meel ka fog magaalada Qandala waxaana laga cabsi qabaa in khilaafka jira dartii ay ciidamada dib usoo labtan.

Geesta kale, Magaalada Qandala ayaa waxaa si buuxa u heysta maleeshiyaadka Daacishta Somalia, oo marba marka xigta kusii badanaaya Qandala.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News