Baydhaba (Caasimada Online) – Xiisad xooggan oo ka dhalatay doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa a taagan magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Laba nin oo ehel la ah Shariif Xasan ayaa xalay magaalada lagu afduubtay kadib markii Shariifka lagu eedeeyey inuu musuq maasuqay doroashadii shalay ka dhacday magaalada Baydhaba.
Aadan Saransoor oo ka soo jeeda beesha Hadamo ayaa la tuhunsan yahay in maleeshiyo daacad u ah oo beeshiisa u dhashay ay fuliyeen afduubka
Aadan Saransoor ayaa sheegay in Shariifka uu u diiday inuu tartan doorasho galo, isaga oo sheegay in waqti been ah loo sheegay kadibna doorshada la qabtay isaga oo aan ogeyn, lagana soo hormariyey waqtigii isaga lagula ballamay.
Labada nin ee Shariifka ehelka la ah, oo mid ka mid ah uu Shariifka ku hooyo yahay ayaa lagu soo daayey dadaal ay sameeyeen odayaal dhaqameedyo.
Saransoor ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in ergadii beeshiisa suldaankeeda uu soo qoray laga tagay laguna beddelay ergo aan u dhalan beesha oo Shariifka uu jeebka kala soo baxay.
Saransoor ayaa sheegay inuusan aqbaleyn arrintan uuna warqad u qorayo guddiga doorashada.
Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

