Xasan oo weerar ku qaaday beesha caalamka kana hadlay arrin uu gaabsan jiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay ciladaha is dabajooga ah ee ku imaanaya Doorashooyinka Somalia.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Doorashooyinka Somalia ay faragalin muuqata ku hayaan wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in sababta fashilada ku imaanaya Doorashooyinka ay tahay in Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ay dowlada dusha ka saaren culeys aysan ka bixikarin.

Waxa uu sheegay Xasan Sheekh in Dowlada Somalia leysugu daray cadaadis iyo culeys Siyaasadeed oo aysan fulinkarin, waxa uuna iska fogeeyay eedeymaha loo jeediyay dowladiisa.

“Waa markii ugu horeysay oo Somalia ay ka dhacdo doorasho noocani ah beesha caalamku waxa ay naga dhigtay dad horay usoo qaban jiray doorasho noocaani ah ma aysan noola dhaqmin sida dowlad curdun ah”.

“Waxaa u sabab ah inaan ku fashilano doorashada Beesha caalamka oo aan ka shaqeyn la’ nahay waayo shaqo ma socon karto haddii ay jirto faragalin”

Xasan Sheekh waxa uu meesha ka saaray in Dowlada Somalia ay leedahay cilad, waxa uuna iska fogeeyay wararka eeda ah ee loo jeedinaayo.

Haddalka Xasan Sheekh ayaa imaanaya iyadoo Dowlada Somalia ay dhexbartanka ka taagan tahay fashil Siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com