28.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Aqri Liiska: Shaqsiyaad caan oo ka mid ah xubnaha maanta lagu doortay Jowhar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa wali magaalada Jowhar ee xarunta KMG maamulka Hirshabelle ka socda Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka cusub Somalia.

Doorashada maanta ka dhacday magaalada Jowhar ayaa waxaa ku loolameysay Siyaasiyiin kala duwan kuwaasi oo qaarkood ka haray loolanka, halka qaarna ay kamid noqdeen Xildhibaanada cusub.

Doorashada Magaalada Jowhar ayaa waxaa maanta lagu doortay Shan xubnood oo ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Qaar kamid ah Xildhibaanada la doortay ayaa horay uga tirsanaa Baarlamaanka uu wakhtigiisu dhamaaday, halka qaarna ay yihiin kuwo ku cusub Siyaasada.

HOOS KA AKHRISO LIISKA XUBNAHA LA DOORTAY

1- Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, oo ku soo baxay 32 cod.

2- Maxamed Cumar Ceemooy, oo ku soo baxay 26 cod.

3- Mina Xasan Shibis, oo ku soo baxday 27 cod.

4- Farxiyo Maxamuud Dhaqane oo ku soo baxday 43 cod.

5- Dahabo Suusow oo ku soo baxday 27 cod.

Doorashada ayaa kasii soconeysa magaalada Jowhar waxaana la filayaa haddii uusan dhicin Khilaaf in gudaha Asbuuca dhalan doona lasoo gabagabeeyo Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News