29.2 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Cumar Dhagey oo u hiiliyey Caashi Xaaji Cilmi

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashada Qaranka Cumar Dhagey ayaa waxaa uu soo saaray go’aan ay ku muujinayaan inaysan aqoonsaneyn doorashadii shalay ee lagu doortay Abtidoon Yare.

Guddoomiye Dhagey ayaa waxaa uu sheegay in kursiga beesha Gaabane/Saleemaan uu yahay mid qoondo haween ah, sidaasi darteedna aysan aqoonsaneyn doorashada shalay ka dhacday Cadaado.

“Annaga oo ka duuleyna sharcigii kasoo baxay madasha qaranka ee qeexayey in saddexdii kursiba uu mid haween yahay, ayaa caddeyneynaa in aanan aqoonsaneyn kursiga Gaabane ee shalay lagu doortay Cadaado” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Dhagey.

Hadalka Cumar Dhagey ayaa waxaa uu rajo gelin u yahay Caasha Xaaji Cilmi, taasi oo shalay sheegtay inaysan ka qeybgaleyn kursiga Gaabane doorashadiisa oo laga weeciyey qoondads haweenimo.

Warar laga helayo madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Guuleed iyo Xuseen Farmashiye oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug ayaa sheegaya inaysan qorshahooda waxba ka badeleyn jawaabta Cumar Dhagey, sidaawina Abtidoon ku yahay xildhibaan.

HALKAN KA AKHRISO WAREEGTADA CUMAR DHAGEY:

received_943445775792657received_943445779125990

Cumar Dhagey, gudddoomiyaha doorashada Qaranka
Cumar Dhagey, gudddoomiyaha doorashada Qaranka
- Advertisement -

Read more

Local News