Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo hanjabaad kulul soo saaray ku sheegay haddii wax laga qaban waayo wixii ka dhacay Doorashadii Jowhar inuu tallaabo qaadi doono.
C/fitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in lagula kacay fal dembiyeed looga reebay tartankii kursiga beeshiisa, arrintaasina uu ka danbeeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, wuxuuna si cad u sheegay haddii sharcigu awoodi waayay inuu wax ka qabto arrintaasi inuu tallaabo qaadi doono.
Waxa uu side kale sheehan in madaxtooyada Soomaaliya ay reali ka tahay hefka laga galan, maadaama ay ka aamunsan tahay arrintan oo aysan ka hadlin.
Hoos ka dhageyso codka Cabdiftaax Xasan Afrax
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

