28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Odayaal dhaqmeed Buux dhaafiyay xabsiyada Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa xabsi dhigay Odayaal dhaqmeed dhowr ah kuwaasi oo xarigooda uu ka dhacay Gobolka Togdheer.

Odayaashani ayaa waxaa xiray Ciidamo ka tirsan maamulka waxaana lagu eedeeyay inay ku lug lahaayen dil dhawaan ka dhacay Gobolkaasi.

Sargaal u hadlay ciidamada ayaa sheegay in Odayaasha ay xariga ku wehlinayaan dhalinyaro dhowr ah, kuwaasi oo uu Sargaalka sheegay in lagu heysto fal la xiriira dil dhawaan halkaasi ka dhacay.

Sargaalka waxa uu sheegay in Howlgalka uu ka dhacay Duleedka Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, waxa uuna tilmaamay in la horgeyn doono Maxkamada, si wax looga weydiiyo dilka loo soo xiray.

Deegaanada maamulka Somaliland ayaa waxaa ka dhaca dilal kala duwan oo inta badan loo adeegsado mindiyo, waxaana dilalka noocaasi ah ka qeyliyay maamulka iyo dadka shacabka ah.

Lama oga sida maamulka Somaliland uu ka yeeli doono Odayaasha iyo dhalinyarada loo soo qabtay dilka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News