28.9 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Fargeeti oo ka hadlay arrinta musuqa iyo mushaaraadka cidanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumada Somalia Maxamed Ibraahim ”Fargeeti” ayaa si adag uga hadlay howlaha ciidamada Dowlada, gaar ahaan kuwa Booliska.

Fargeeti, waxa uu sheegay in ciidamada Dowlada ay xaq u leeyihiin in lasiiyo Mushaaraadkooda, waxa uuna tilmaamay inay ku guda jiraan sida mushaar loogu qori lahaa Ciidamada Booliska kuwooda cusub ee dhawaan la diiwaan galiyay.

Fargeeti, waxa uu sheegay in Taliska Booliska uu qaatay ciidamo aad u farabadan kuwaasi oo aan wali loo qoondeyn xuquuqdii ay ku lahaayen Dowlada.

Ciidamada cusub ee Booliska ayuu sheegay inay leeyihiin qoondo waxa uuna tilmaamay in lagu dari doono miisaaniyada 2017 ay dowlada dajin doonto.

Waxa uu soo hadalqaaday musuqa iyo isdabamarinta lagu hayo xuquuqda Ciidamada Booliska waxa uuna carab dhabay in leysdaba mariyo mushaaraadka ciidanka.

Fargeeti, waxa uu intaa ku daray inay ka go’an tahay inay ka hortagaan musuqa lagu hayo mushaaraadka Ciidamada.

Lacagaha laga soo qaado Wasaarada ayuu sheegay inaysan si toos ah u gaarin ciidanka, balse waxa uu carabdhabay in mudada harsan ay ku sixi doonaan khaladka ka jira dhanka Booliska.

Haddalka Fargeeti, ayaa imaanaya iyadoo Mushaaraadka Ciidamada Dowlada, gaar ahaan kuwa Booliska ay gacan bidixeeyan Taliyayaasha iyo Saraakiisha ciidanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News