Xasan oo Mareykanka kala hadlay arrin soo dadajin karta in la wiiqo Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maal-gelintooda Mudane Brian Nelson.

Madaxweynaha ayaa Brian Nelson u soo bandhigay tallaabooyinka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku wiiqeyso dakhliga iyo dhaqaalaha argagixisada kooxda Al-Sabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu la wadaagay xeerarka iyo shuruucda loo jideeyey cuna-qabateynta maaliyadeed ee argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen argagixisada.

Tallaabooyinkan ayuu sheegay inay kaalin mug leh ka qaadatay oo ay soo dedejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Mareynka ee cuna-qabateynta maaliyadeed ee argagixisada, doorka ay ka qaadanayaan wejiga labaad ee howl-galka dalka lagaga xoreynayo argagixisada iyo horumarka laga sameeyay barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya.

Brian Nelson ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey madaxweynaha soo dhaweynta iyo kulanka ay yeesheen, wuxuuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda gobolka iyo adduunka.

Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maal-gelintooda ayaa madaxweynaha u xaqijiiyay inay ka go’an tahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharic-darada iyo la-dagaallanka argagixisada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii