Xasan oo markii u horeysay kala saaray maalinta xoriyadda iyo maalinta midnimada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horaysay waxa uu kala saaray labada maalmood ee 26 Juun iyo 1-da Juulay oo hore maalmo xorriyad ugu astaysnaa.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in maanta laga bilaabo labadaas maalmood loogu kala astayn doono dhacdooyinkii ay gaarka u kala lahaayeen, sida uu ka sheegay xaflad loogu dabaal-degayay sanad-guurada 62aad ee 1-da Juulay oo xalay ka dhacday aqalka madaxtooyada.

Tallaabada uu qaaday madaxweyne Xasan ayaa waxay dadka siyaasadda falan-qeeya ku doodayaan inay tahay mid lagu saxayo sooyaalka dhacdooyinka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sida caadiga ah dal kasta waxa uu leeyahay maalin gaar ah oo ugu astaysan xorriyaddooda, mana jirto dal maalin wax ka badan u dabaal-dega dhismahooda.

Go’aanka Xasan ee uu ku kala soocay muunadda maalmaha 26 Juun iyo 1-da Juulay, ayaa si ay u noqoto mid midha dhasha waxa muhiim ah in loo sameeyo sharci, islamarkaana lagu faafiyo wareegto rasmi ah.

26 Juun: waxay ahayd maalintii koowaad ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay ciid Soomaaliyeed, sidaas darteed in maalintaas lagu asteeyo xorriyadda isirka iyo dawladda Soomaaliyeed waxay ka dhigan tahay taariikh iyo Sooyaal ummadeed oo la maamuusay iyo halgan iyo dedaal bulsho oo la sharfay.

1-da Juulay: Waa maalintii dhismaha Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed la aasaasay, waxa ay ku timid Jamhuuriyaddaasi doonis iyo dedaal nafhur leh oo ay bixiyeen Soomaalidii waxgaradka ahayd ee hormuudka u ahayd dadkooda.

Si kastaba, Dhismaha Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed waxaa ku jira dhacdooyin xiisahooda leh oo ay dhallinyarada Soomaaliyeed wax badan ka baran karaan, waxaana ugu mudan in 1-da Juulay ay noqotay maalintii doonistaas iyo dadaalkaasi uu midho dhalay.