Heshiis yaab leh oo ay qeyb ka tahay Israel oo laba Jaziirad loogu wareejinayo Sacuudiga

Riyadh (Caasimada Online) – Israel, Sacuudi Carabiya iyo Masar ayaa ku dhow inay heshiis ka gaaraan maqaamka Jaziiradaha ku yaalla Badda Cas ee Tiran iyo Sanafir, waxaa sidaas ku warantay warbaahinta Axios ee Mareykanka. 

Labada Jaziirad, oo ku yaalla aagga muhiimka ee Marinka Tiran ee Badda Cas, ayaa waxaa hadda maamula Masar, hase yeeshee Qaahira ayaa 2017-kii sheegtay inay madax-banaanidooda ku wareejin doonto Sacuudi Carabiya. 

Si kastaba, arrintan ayaa dib loo dhigay saabtoo ah labada Jaziirad waa kuwo ka caagan militariga, waxaana ku sugan xoogag kormeerayaal caalami ah, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii Camp David ee 1997-kii ee Masar iyo Israel, kaasi oo damaanad qaaday in maraakiibta Israel ay si xor ah u maraan Marinka Tiran.

Israel ayaa ogolaatay in Masar ay Jaziiradahan ku wareejiso Sacuudi Carabiya, ayadoo shuruudda ay tahay inay militariga kasii caaganaadaan, sidoo kalena maraakiibta Israel ay sii wadaan inay si xor ah u maraan marinka. 

Balse, way adkaatay in heshiiska la dhameystiro sababtoo ah Israel iyo Sacuudi Carabiya ma lahan xiriir diblomaasiyadeed, sidaas darteedna ma saxiixan karaan heshiis. 

Axios ayaa ku warrantay in saraakiisha ay nashaqadeeyeen qorshe dhib badan, oo Sacuudi Carabiya ay saxiixeyso heshiiska ayada oo Masar-na ay sii wadi doonto inay militariga ka ilaaliso, islamarkaana marin nabdoon siiso maraakiibta Israel.

Mareykanka ayaa noqon doona hubiyaha heshiiska, wuxuuna warqad hubanti u diri doonaa Israel. Ciidanka ka kooban dhowrka dal ayaa isaga tegi doona Jaziiradaha kahor inta aan lagu wareejin Sacuudiga, sida ay ku warrantay Axios. 

Saraakiisha Israel ayaa u sheegay Axios in ra’iisul wasaaraha xilka ka degaya ee Israel Naftali Bennet iyo kan beddelaya Yair Lapid ay labaduba ansixiyeen qorshahan.

“Dhibka wuxuu ahaa sida ay Sacuudiga u saxiixi karaan heshiis lala galo Israel, ayaga oo aan dhab ahaan heshiis la galeyn Israel. Wax khilaaf ah kama taagna nuxurka,” ayuu sarkaal Israeli ah u sheegay Axios.

Sanaddii 2020, dhowr dal oo Carbeed, oo ay ku jiraan Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ayaa xiriir rasmi ah la yeeshay Israel.

Sacuudi Carabiya weli ma sameyn sidaas, inkasta oo la rumeysan yahay in xiriir aan rasmi ah uu ka dhex-jiro labada dhinac, waxaana toddobaadyadii dhowaa xoogeystay xan ku saabsan in laga shaqyenayo heshiis rasmi ah.

Axios waxay ku warrantay in ka sokow heshiiska Tiran iyo Sanafir, Sacuudi Carabiya ay sidoo kale u ogolaan doonto diyaaradaha ganacsi ee Israeli ee u safraya China iyo India, inay isticmaalaan hawadeeda, laga billaabo toddobaadkan.