Blinken oo farriin culus usoo diray dowladda Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa farriin taageero oo xooggan usoo diray dowladda iyo shacabka Soomaaliya oo maanta u dabaal-degaya maalinta xoriyadda ee 1-da Luulyo.

“Aniga oo matalaya dowladda Mareykanka, waxaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya ugu hambalyeynayaa sanad-guurada 62-aad ee Maalinta Qaranka,” ayuu Blinken ku yiri war-saxaafadeed lagu daabacay bogga Wasaarrada Arrimaha Dibedda. 

“Dowladda Mareykanka waxay taageereysaa dadaalladiina ku aaddan dhisidda bulshooyin adkeysi leh, dhisidda kobac dhaqaale oo loo dhan yahay, iyo sare u qaadidda amniga Soomaaliya iyo dersikeeda. Waxaan wadaagnaa yoolka ah in ummaddiina ay hesho mustaqbal dimuqraadi, barwaaqo, iyo nabad ah,” ayuu yiri

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in lasii wado iskaashiga xooggan ee Washington kala dhaxeeya Muqdisho.

Sida ay Caasimada Online kasoo xigatay ilo-wareedyo diblomaasi, Washington ayaa waxaa ka go’an inay si xooggan ula shaqeyso oo taageero amni siiso dowladda cusub ee Soomaaliya ee ay hogaamiyaan Xasan Sheekh iyo Xamza Cabdi Barre. 

Blinken ayaa kaalin xooggan ku lahaa in la qabto doorashadii lagu doortay Xasan Sheekh, ayada oo tallaabooyinkii uu qaaday oo ay ku jireen xayiraado la saaray siyaasiyiin Soomaali ah ay hoggaamiyeen in doorashooyinka la qabtay, meeshana laga saaray isku dayadii dib loogu dhigayey.

Inkasta oo aan la magacaabin shaqsiyaadkaas, haddana waxaa la rumeysan yahay inuu ku jiro madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo horey u ahaa muwaadin Mareykan ah iyo shaqsiyaad isaga ku dhow sida Fahad Yaasiin, iyo qaar ka mid ah madax goboleedyada Soomaaliya.

Maalin kadib doorashadii Xasan Sheekh, Mareykanka ayaa ku dhowaaqay in dib loo soo celinayo ciidan gaaraya 700 askari oo uu Soomaaliya ka saaray madaxweynihii hore Donald Trump, taasi oo muujisay sida ay qaati uga taagnaayeen nidaamkii Farmaajo.