Lafta-gareen: Somalia waxay gashay gumeysi qarsoon

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo xalay hadal ka jeediyey xaflad loogu dabaal dagayey 1-da Luuliyo oo lagu qabtay Baydhabo ayaa sheegay in xilligii Soomaaliya ay ka xuroobeysay gumeystihii Talyaaniga iyo Ingiriiska ah ahaayeen kuwo mideysan oo ay ka go’neyd in dadka ka dambeeyabay xurnimo ku noolaadaan.

Lafta-gareen ayaa nasiib darro ku tilmaamay in 62 sano kadib xilligaan dowladnimada Soomaaliya ay marxalad adag gashay, islamarkaana uu dalka kujiro gumeysi qarsoon oo meelo kale laga soo maleegay, inkastoo uusan sheegin meelaha laga wado gumeysigaas.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa khudbadiisa ku sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed maskaxda laga qabsaday, islamarkaana dadkooda, dowladooda iyo calankooda intaba lagu diray, iyaga oo usoo maleegaya dhibaatooyin kala duwan.

Lafta-gareen ayaa hadalkan sheegay xilli isaga xitaa lagu eedeeyo inuu dadka u diiday xoriyaddii aas-aasiga aheyd sida xoriyadda hadalka, doorashada iyo isu-imaatinka isaga oo Koonfur Galbeed geliyey nidmaad u eg kali-talis

Soomaaliya ayaa maanta looga dabaal dagayaa markii Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya ay ka xuroobeen gumeystihii Ingiriiska, isla markaana ay la midoobeen Gobolada Waqooyi ee hadda loo yaqaan Somaliland.

Maanta oo kale 62 sannadood ka hor waxaa midoobay labadii gobol ee Koonfur iyo Waqooyi oo ay kala maamuli jireen gumaystayaashii Britain iyo Talyaaniga.

Xaflado iyo Munaasabado lagu maamuusayo xuska 1-da Luulyo oo ku beegan 62- guuradii ka soo wareegtay markii Gobollada Koonfureed ay xornimada qaateen 1960-kii iyo israacii gobollada Waqooyi iyo Koonfur ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho iyo meela kale oo si joogto ah dabbaaldgyada nocan ah lagu qabto.

Caadi ahaan shacabka Somaliland haseyeshee u dabaal degin sanadguuradii ka soo waregtay israaca labada gobol.