SACIID DENI oo yabooh u sameeyey Xasan iyo Xamza

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa yaboohay inuu si buuxda ula shaqeyn doono dowladda madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Deni ayaa hadalkan xalay ka sheegay xarunta madaxtooyada Puntland oo uu kaga qeybgalay munaasabadda 1-da Luulyo ee lagu xusayo sannad guuradii 62-aad ee kasoo wareegatay markii ay xorriyada qaateen gobollada Koonfureed ee dalkeena, midowgii Waqooyi iyo Koonfur iyo curashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya 1-dii Luulyo 1960-kii.

Deni ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyey kusoo hadal-qaadey isbadalka ka dhacay dalka ee heer federaal, oo uu kamid ahaa musharaxiintii isu soo taagtey xilka madaxweynaha Soomaaliya, balse looga guuleystay.

Deni, oo isku dayaya inuu meesha ka saaro hadal-hayn jirtay maalmahan oo aheyd inuu ka careysan yahay in isaga iyo Puntland-ba la dhaafiyey jagada ra’iisul wasaaraha, ayaa si cad u ballan-qaadey in uu la shaqeyn doono ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, kaasi oo la filayo in dhowaan uu soo dhiso gole wasiiro.

“Waxaan u hambalyeynayaa dowladda ka dhalatay magaalada Muqdisho, waxaan raali ka ahay madaxweynaha iyo ra’iiul wasaaraha, waxaan u rajeenayaa inuu Alle xilkooda u fududeeyo oo ay noqdaan kuwa u adeega bulshadooda” ayuu yiri Saciid Deni

“Waxaan caddayanaya haddii aan nahay maamulka Puntland iyo shacabka inaan diyaar u nahay la shaqeynta dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, waxaan la shaqeynayaa ra’iisul wasaaraha cusub.”

Dhanka kale, Saciid Deni oo ka hadlay abaaraha ka jiro dalka ayaa ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed inay garab siiyaan shacabka dhibaateysan.

“Dalka wuxuu kasoo gudbay xaalad adag, wuxuuna galay mid abaar ah, waxaana dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqayaan inay gargaar deg deg soo gaarsiiyaan walaalahooda dhibaateysan, bulshadeena 70% waa reer Baadiye waxay ku tiirsan yihiin xoolaha waxay hadda halis ugu jiraan inay hanta beelaan.”

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Waxaan ku baaqayaa in lasoo dhaweeyo dadka kusoo barakacay Puntland, sidoo kalana waxaan codsanayaa xoolo dhaqatay Putland kasoo jeedo ee iyagana deegaanada kale u barakacay in lasoo dhaweeyo.”

Deni, oo ka mid ahaa musharaxiintii taageeray Xasan Sheekh wareeggii ugu dambeeyey doorashada madaxweynaha, ayaa la rumeysan yahay inuu kula ballamay in la siiyo xilka ra’iisul wasaaraha ama ugu yaraan la tashi laga geliyo qofka noqonaya, lagana keeno Puntland.

Hase yeeshee, kooxda ololaha Xasan Sheekh ayaa kahor inta aan la magacaabin ra’iisul wasaaraha waxay sheegeen inaanu jirin ballan-qaad qayaxan oo noocaas ah oo madaxweynaha uu sameeyey.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa doortay inuu xilka ra’iisul wasaaraha siiyo beesha Ogaadeen oo weligeed aan soo qaban, wuxuuna magacaabay Xamza Cabdi Barre oo ku dhowaad 20 sano ay is yaqaanaan, kana tirsana xisbigiisa UPD.

Xamza ayaa dhankiisana ballan-qaadey inuu soo magacaabi doono gole wasiiro oo ay ku badan yihiin mudaneyaal ka tirsan golaha shacabka, taasi oo loo arko isku-day uu kusoo jiidanayo codka xildhibaanada oo ay qasab tahay inay ansixiyaan golaha wasiirada.