Xasan oo shaaciyay ujeedka iyo natiijada safaradii badnaa ee uu ugu baxay dibadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta daahfuray kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, ayaa ka hadlay safaradii kala duwana ee ugu baxay dalka dibadiisa tan iyo markii uu xilka la wareegay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeedka safaradaas iyo booqashooyinkaasi ay salka ku hayeen qorshaha dowladiisa ee ku aaddan in la helo siyaasad arrimo dibadeed ka duulaysa Soomaaliya deriskeeda iyo dunidaba heshiis la ah.

Waxa aan markii aan xafiiska imid safarro dalka dibaddiisa ah ugu ambabaxay dalal kala duwan. Ujeedka safarradaas iyo booqashooyinkaasi waxa ay salka ku hayeen qorshaheenna ku aaddan in la helo siyaasad arrimo dibadeed oo ka duulaysa Soomaaliya deriskeeda iyo dunidaba heshiis la ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaa safaradaas aas-aas u ahaa inaan madaxda dalalkaas ka wada-hadalno danaha aan wadaagno iyo qaabka ugu haboon ee ay uga qayb-qaadan karaan dib u soo kabashada qaranka Soomaaliyeed iyo kaalinta ay ka geysanayaan dagaalka aan kula jirno Khawaarijta ma-naxaanka ah ee caqabadda ku ah dowladnimada iyo nolosha dadka Soomaaliyeed kuwaasi oo bannaystay daadinta dhiiggooda, boobkaa hantidooda, kuna xadgudba sharaftooda,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in safaradii kala duwan ee ugu baxay dalka dibadiisa uu kala soo laabtay guul wax ku ool ah, oo macno weyn u leh horumarka dalkeena.

“Dhamaan safaradaas waxa aan kala soo laabanay guul, annaga oo madaxda dalalkaas isku raacnay inay door mug leh ka geystaan arrimaha hortabinta u leh dowladdeenna iyo dadaallada aan ku baadi-goobaynno dib u dhiska dalka iyo xoojinta dowladnimadeena curdinka ah.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u xaqiijiyo in siyaasadda dowladdeenna ay laf-dhabar u noqon doonto in la soo dhaweeyo cid walba oo diyaar u ah inay naga taageerto arrimaha mudnaanta inoo leh.”

“Waxaa isu dheelli-tirayna danaha aan caalamka ka leennahay iyo kuwa ay iyagu innaga leeyihiin. Soomaaliya xilligan la joogo inta ay saaxiib u baahan tahay ayaa ka badan inta ay cadaw u baahan tahay.”

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay u baxay safaro badan oo dalka dibadiisa ah, si usii xoojiyo xiriirka iyo taageerada dalalkaas ee Soomaaliya, inkasta oo safaradaas tirada badan ay si weyn u dhaliileen siyaasiyiinta mucaaridka ah.