Tirada dadka rayidka ah ee sanadkan lagu dilay Soomaaliya oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay khasaaraha sii kordhaya ee dadka rayidka ah ee Soomaaliya, waxayna sheegtay in in ka badan 600 oo rayid ah lagu dilay Soomaaliya sanadkan 2022.

Sida uu sheegay madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Türk, ugu yaraan 613 qof oo rayid ah ayaa la dilay 948 kalana waa la dhaawacay.

315 kamid ah dhimashada iyo 686 dhaawaca ah, ayaa loo sababeeyay inay la kulmeen walxaha qarxa.

Ugu yaraan 94 boqolkiiba dhimashada dadkani waxaa loo aaneynayaa inay ka dambeeyaan Al-Shabaab.

Khasaaraha kale ee dhimashada iyo dhaawaca waxay ka dhasheen iska hor imaadyada ciidamada ammaanka ee dowladda, maleeshiyo beeleed iyo dad kale oo aan la aqoonsan.

“Waxaan aad uga walaacsanahay in dad badan oo Soomaaliyeed ay naftooda waayaan maalin kasta.” Dhammaan dhinacyada iskahorimaadyada ku lugta leh waa inay ilaaliyaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo inay xaqiijiyaan in dadka rayidka ah la ilaaliyo,” ayuu yiri Volker Türk.

29-kii Oktoobar, qaraxyo mataano ah oo ay mas’uuliyadeeda sheegatay Al-shabaab ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 121-qof, waxaana ku dhaawacmay 333-qof, sida ay sheegtay QM, oo soo xiganaysay tiro-koob lagu sameeyay khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas.

Wakiilka sare ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in ay qaaddo tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah, iyadoo lala kaashanayo beesha caalamka  si loo xoojiyo ilaalinta rayidka, iyadoo la raacayo xeerarka iyo halbeegyada xuquuqul insaanka ee caalamiga ah iyo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.

Isha: HOL