Xasan oo shaaciyey dad ay guryahooda kala baxday DF, digniin culusna diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada amniga oo amar ka haysta madaxda sare ee dowladda ay ku dhaqaaqeen in xili saq dhexe ah ay guryahooda ugu dhacaan dad lagu bartilaameedsanayo inay ka qeyb galeen bannaanbixii daraad ka dhacay Muqdisho ee looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo.

“Xalay sagaal saac habeenimo ciidamadaa albaabada u garaacayay dad oo rabay inay guryaha kala baxaan oo xerxeraan, waa wixii aan dhayeynay oo daweyneynay, xalinay, ayuu yiri Xasan Sheekh, oo hadlayey shalay, maalin kadib dibad-baxyadii Muqdisho.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in inta badan dadkaas laga soo waayey guryaha, balse ay jiraan qaar la xiray.

“Laakiin wey ka waayeen ee wey soo xirxiri lahaayeen, haddana qaarbaa xirxiran oo ah ganacsato aan joogin meeshii lagu mudaaharaadeyay, kuwaas oo loo xirxiray maskaxda ayey kala jireen waa taageersanaayeen ay leeyihiin, war waxeaa horaa ugu soo noognay, waa wixii dalkaan uu ka yimid,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo ka digay inaan dib loo celin wixii laga yimid ee dalka heerkaan soo gaarsiisay.

Xasan Sheekh ayaa fariin adag u diray ciidamada dowladda ee loo adeegsanayo ka hortaga bannaanbaxyada shacabka fikraddooda kusoo bandhigayo sida nabadeed, isagoo tilmaamay in ciidamada ay yihiin kuwa ilaalinaya amniga shacabka ee ay u dhaarteen.

Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dowladda in lasii daayo dadka xirxiran ee dowladda xabsiyada u dhigtay bannaanbaxyadii dhacay awgood.

“Dowladda ha ka timaado dadka ay xoogga iyo qasabka ay ku hayso, dalkaan laguma heyn karo xoog, dadkii shalay jidadka taagnaa waa kuwii shalay soo dhoweynta madaxweyne Farmaajo jidadka u taagnaa, afkooda ayeyna ka sheegeen in shalay kuwii Farmaajo soo dhoweeyay ay ahaayeen, waxan leeyahay madaxweynoow dadku waa dadkaada, shalayna kuma necbeen kumana jecleyn, maantana kuma necbana, madaxweynahoodihii ayaa weli tahay, 54 maalmood ayaa kuu hartay adiga ha ka cararin sida qaanuunka iyo xeerka qabo ku maareey,” ayuu yiri Xasan Sheekh, madaxweynihii hore.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in aysan garan karin sabab uu u kala qeybinaayo dowlad goboleedyada dalka oo qolo gooni ah uu usoo jeedanayo, qolo kalena u fogeynaayo, isagoo taasina uu ka digay isagoo tilmaamay in haddii caqliga shaqeyn in wadada uu ku socda madaxweyne Farmaajo meel ka xun in ay gaari doonto.

Ugu danbeyntii Xasan Sheekh ayaa ciidamada qalabka sida ugu baaqay in aan loo adeegsan wax aan sharciga waafaqsan, hadii kale ay soo laba kacleyntii boogtii horay loo dhayay.