Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Somalia, kulamo gaar gaar ah kula qaatay Hogaamiyayaasha Gobolada dalka ee magaalada Muqdisho u jooga ka qeybgalka Shirka Madasha.
Madaxweyne Xasan ayaa Hogaamiyayaasha sharaxaad dheeri ah kasiinaaya hankiisa Madaxweyninimo, waxaana sharaxaada barbar socda codsiyo hoose oo uu u gudbisanaayo si ay garab uga siiyaan Doorashada.
Madaxweyne Xasan waxa uu Hogaamiyayaasha ka dalbaday inay garab ku siiyan Doorashada, waxa uuna sameynayaa ballanqaad hor leh maadaama lagu eedeeyo in kii hore uu ku fashilmay.
Kulamada Xasan Sheekh uu la qaadanaayo Hogaamiyayaasha ayaa waxaa barbar socda kulamo kale oo uu la qaadanaayo Xildhibaanada la socda Hogaamiyayaasha.
Madaxweyne Xasan waxa uu si xooli ah u wadaa ololihiisa Doorashada waxa uuna loolankiisa ku muujinayaa suuragalnimada in mar kale uu kusoo laabto Xukunka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

