Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Dadban ayaa go’aan uu caawa soo saaray uga reebay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed C/llaahi Nuux inuu u tartamo kursiga xildhibaan ee Beeshiisa Jiidle
Qoraal ka soo baxay Guddiga Doorashada oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Guddiga Cumar Maxamed Cabdulle (Dhegey) ayaa lagu sheegay in wasiirka Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo musharax Axmed Sheekh Nuur (Cirro) la tartamayay ay labadaba mas’uul ka ahaayeen qalalaasihii 18-kii Novembar ka dhacay xarunta Doorashada ee magaalada Jowhar.
Hoos ka aqri warqadda kasoo baxday guddiga
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]


