Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb-galay Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka socda Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan qaadashada kaarkan oo muhiim u ah guud ahaan dadka Soomaaliyeed.
Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in loo ogol yahay xittaa xubnaha Al-Shabaab in ay qaataan kaarka NIRA, ayna ogyihiin in ay soo dirsadaan dad, sidaasna ay ku qaataan.
Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in lasiiyo kaarka, lana diiwaangeliyo farahooda iyo wajigooda, isaga oo ku dooday in yihiin muwaadiniin Soomaali ah oo argagixiso noqday.
“Shabaab oo dhan maraduu doono iyo xijaab hasoo qaato kaarka ha qaato ha’is diiwaangeliyo farihiisa, wajigiisa hala diiwaangeliyo hala arko” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Khawaarijta dadka ay soo direen waan la soconaa oo ay dheheen kaararka soo qaata ha qaataano hana is diiwaangeliyaano”.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay taqaano sida loola dagaalamo argagixisada, ayna ka go’an tahay inay ka qabato Ummadda Soomaaliyeed.
“Muwaadin Soomaali ah oo la yaqaano, balse argagixiso noqday waayay muwaadinimada Soomaalinimada weli kama bixin, argagixise ayuu noqday dadka Soomaaliyeed ayuu col ku yahay, si looga qabto waa la yaqaanaa” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhinaca kale, waxa uu Madaxweynuhu ka digay in lacag laga qaado shacabka, isaga oo sheegay ciddii lagu arko arrintaas in laga qaadi doono talllaabo adag oo sharci ah.
“Kan bixinaya iyo kan qaadanaya laalush si uu u helo Aqoonsiga Qaranka waa xadgudub, waxaana NIRA iyo laamaha amaanka farayaa in kuwaasi dadka laga qabto” ayuu raaciyay.

