Xasan oo war kasoo saaray tallaabadii maanta ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal uu ugu mahadcelinayo xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta si aqlabiyad leh ku meel-mariyey ra’iisul wasare Xamza Cabdi Barre.

Madaxweynaha Xasan ayaa ku boggaadiyey xildhibaanada Golaha Shacabka ansixinta ra’iisul wasaaraha uu soo xulay, si loo guda-galo dhismaha dowladda cusub

“Mahad ballaaran ayaan u jeedinayaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ila qaatay magacaabista Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo aan markii horeba ku soo xulay aqoonta iyo kartida hoggaamineed ee uu u leeyahay howlaha hortabinta u leh dalkeenna.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa dardaaran culus u jeediyey ra’iisul wasaaraha, wuxuuna ugu baaqay inuu soo dhiso xukuumad dalka ka samata bixin karta xaaladda lagu jiro.

“Waxaan kula dardaarmayaa Raiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre in uu soo dhiso Xukuumad ka shaqeysa xoojinta amniga, gurmadka abaaraha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, xoojinta dowladnimada, iyo hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.” ayuu markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.]

Ugu dambeyn wuxuu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla, isagoo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyaddan culus.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa codka kalsoonida siiyey illaa 220 xildhibaan oo ah dhammaan kooramka xildhibaanadii soo xaadiray, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay, sida uu shaaciyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Si kastaba, Xamza Cabdi Barre ayaa noqday ra’iisul wasaaraha 21-aad ee Soomaaliya, waxaana looga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumaddiisa, isla-markaana uu kusoo celiyo baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, si ay ansixiyaan golaha wasiirada cusub.