Xasan oo xasuuqa Amisom ee shacabka ugu beddelay ammaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amaan kala duldhacay Ciidamada AMISOM ee ka howlgala magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay indho u yihiin kuwa Dowlada Somalia, isagoo meesha ka saaray in kuwa Dowlada ay yihiin kuwo leysku haleynkaro.

Waxa uu tilmaamay in Ciidamada AMISOM ay u shaqeeyan si hagar la’aan ah, sidaana ay ku muteysteen amaanta.

”Ciidamada AMISOM waxa ay muujiyeen kaalin wanaagsan, waxaan qirayaa in Amni darida ka taagan Somalia ay waxbadan ka qabteen amaan iyo bogaadin ayaan u jeedinayaa sida wacan oo ay ugu hagar baxaan Somalia”

Waxa uu sheegay in AMISOM ay qayb weyn ku lahayd Doorshada lagu soo dhisay Maamulka cusub ee Hirshabeelle waxa uuna carab dhabay inay ka rajeynayaan talaabo intaa kusii badan.

Waxa uu intaa ku daray in Howlgalka Midowga Africa ee Somalia uu suurageliyey waxyaabo badan oo muhiim u ah Somalia.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Ciidamada AMISOM ay ka howlbadan yihiin kuwa Dowlada waxa uuna hoos u dhigay miisaanka ay Ciidamada Dowlada ku leeyihiin Amniga.

Amaanta Xassan Sheekh ayaa imaaneysa xili Ciidamada AMISOM ay xasuuq ba’an ka geystaan magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com