Dhageyso: Gabre oo siyaasi caan ka ah Somalia u diiday inuu gal Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee KMG ahaa ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday hadal yaab leh oo muujinaya in Soomaaliya ay gumeyso ku jirto.

Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in Ethiopia ay ka hor istaagtay in uu ka mid noqdo aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya, ee uu kasoo gali lahaa deegaanda Puntland.

“Siyaasadda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta intaba waxay ku saleysan tahay yaa farxad gelin kara Ethiopia, oo isku dhoweyn kara” ayuu yiri Maxamed Cabdi Yuusuf.

Waxa uu shaaca ka qaaday in Jeneral Gabre uu si cad ugu diiday inuu ka mid noqdo aqalka sare ee Soomaaliya, sidaasna uu uga haray.

Halkan ka dhageyso codkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com