Dagaal xoogan oo ka bilowday Gaalkacyo iyo Puntland oo…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka dagaal xoogan uu ka bilowday deegaanadii ay isku horfadhiyeen ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa saaka ah mid aad uga duwan sida ay horey u aheyd, waxaana dhawaqa rasaasta xoogan laga maqlayaa galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka oo ku bilowday rasaas goosgoos ah ayaa laga baqayaa inuu ku faafo deegaanada kale ee gobolka Mudug, waxaana dagaalada magaalada Gaalkacyo ku barakacay kumanaan dad ah.

Labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland ayaa kala helaya gurmadyo ciidan, waxaana xaalada magaalada ay noqotay mid dagaalo marti u ah.

Dagaalka xoogiisa ayaa wuxuu ka socdaa Galbeedka magaalada Gaalkacyo, waxaana jirto cabsi dadka deegaanka ay ka qabaan in dagaalada ay ka dhacaan magaalada gudaheeda.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com