Faroole oo Xasan u diray fariin la xiriirta dagaalka Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ka hadlay dagaalada ka dhacaya magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

C/raxmaan Faroole ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya iney farageliso dagaalada ka dhacaya magaalada Gaalkacyo ee sababay in kumanaan ruux guryahooda ka barakacaan.

Wuxuu ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya inuu faragelin ku sameeyo waxyaabaha ka dhacaya magaalada Gaalkacyo , maadaama uu yahay madaxweynaha ummada Soomaaliyeed.

Dagaalada Gaalkacyo oo qabiil salka ku haya ayaa ka bilowday maxjar Puntland ay dooneyso iney ka dhisto galbeedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Waxaa dagaalada dhacaya ka sokow jira gurmadyo ay helayaan ciidamada maamulada labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com