Galmudug oo dhaawacyo keentay Muqdisho iyo dagaalka oo xoogeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dhaawacyada askar iyo dad shacab ah ay keeneen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Askarta iyo dadka shacabka ayaa ku dhaawacmay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana madaxda Galmudug ay sheegeen in Gaalkacyo wax looga qaban waayay.

Maxamed Xasan Cali, wasiir ku xigeenka caafimaadka Galmudug ayaa xaqiijiyay in dhaawacyada askarta ay ahaayeen kuwo ku waxyeeloobay dagaaladii ka dhacay deegaanka Galbeedka magaalada ku yaala.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka wuxuu sheegay in dadkaasi diyaarado lagu keenay magaalada Muqdisho, iminkana lagu daweynayo magaalada.

Dhinaca kale waxaa sii xoogeystay dagaalka waaberigii saaka ka bilowday magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa ku faafay deegaano cusub oo maalmahaan aan lagu dagaalamin, waxaana saraakiisha Puntland ay sheegeen in weerarka ay ku qaadeen ciidamada Galmudug.

Magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale la sheegayaa in dagaalka uu ka bilowday, walow dadka ay sheegeen warar is khilaafsan oo arintaasi la xiriirta.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com