Xasan oo xusay Ethiopia una sheegay inay ka wanaagsan yihiin Soomaalida

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeyb galay xus Muqdisho loogu sameeyey wax loogu yeeray Itoobiyada cusub.

Xasan oo ay wehliyeen guddoomiye kuxigeenka labaad ee Barlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, ku-xigeenka Ra’isul Wasaaraha Ridwaan Xirsi Maxamed, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo xubno kale ayaa maanta xarunta safaaradda dowladda Ethiopia ay ku leedahay magaalada Muqdisho uga qeybgalay munaasbaad lagu weyneynayay 23 guuradii kasoo waregatay markii xilka laga tuuray xukunkii Mingiste ee ka arimin jiray dalka Ethiopia 23 sanno kahor.

Munaasabdan ayaa maanta oo kale si weyn looga dabaaldegaa dalka Ethiopia, islamarkaana Qowmiyadaha reer Ethiopia waxa ay u aaminsanyihiin maalin ku weyn, maadama ay ugu magacdareen Itoobiyada cuusb wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-kii xiligaasoo ay aheyd markii uu xukunka qabtay Ra’isulwasaarihii geeriyooday ee Meles Zanawi.

Xasan Sheekh Maxamuud oo goobta ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyay shacabka iyo dowladda Ethiopia Maalinta Qaran oo ay xusayaan, waxaana uu muujiyey in Soomaalida ay ka liittaan Ethiopian-ka, marka la eego midnimada.

Xasan ayaa yiri “Maanta waxaan kala soo qeyb galnay safiirka iyo diblomaasiyiinta safaaradda Ethiopia ee Soomaaliya xafladda ay ugu dabaaldegayaan 28-ka May oo ay ku magacaabeen maalintii guusha, maalintii guusha waxa ay ahayd maalin taariikhda Ethiopia wax badan ay isbadaleen, Itoobiyada cusub ee maanta ay dhalatay, waa maalintii ay Ethiopia ay ku guuleysatay sideetan iyo dhowr qowmiyadood iyo boqol milyan dad ka badan in la isku hayo, oo hal dowladda, hal calan iyo hal Xukuumad oo leh hal siyaasad inay yeeshaan, howl sahlan ma ahayn, intaasi oo qowmiyadood oo luuqadahooda kala duwanyihin, kala diin ah, kala dhaqan, in intii la isu keeno oo hal Qowmiyad laga dhigo howl sahlan ma ahayn, waxay nooga baahantahay waxyaabo badan oo aan ku daysan karno, dhibka loo maray intaas in la sameeyo uma baahnin anagga, ma qabno dhibkaas, qowmiyado kala duwan, kala dhaqan ah, kala diin ah, kala muuqaal ah, xataa in la isku hayaa, haddii ay suurta gal tahay in lagu guuleysan karo, anagoo Soomaali ah 100% isku diin ah, isku dhaqan ah, isku muuqaal ah, isku luuqad ah, wax walba isaga mid ah, in aan noqon wayno Qowmiyad mid ah, waa ducfi ummadda Soomaaliyeed ay leedahay, waana ka baxnay markaan Ilaah idinkiis”

Si kastaba waxaa is-weydiin mudan waxa madaxda Soomaalida ka galay u dabaal degga munaasabad ceynkan oo kale ah oo dad iyo dal kale u gaar ah?

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com