Xog cusub: Khilaaf ka dhex jira Xasah Sh iyo C/Weli (Maxaa la isku hayaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa muujinaya in uu jirro khilaaf ka dhex aloosan madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud iyo ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka?

Sidda ay lee yihiin ilaha warkan laga soo xigtay khilaafka ayaa ka dhashay markii madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha isku qabteen isku shaandheen la rabo in lagu sameeyo golaha wasiiradda xukuumadda iyo qorshe cusub oo uu wato ra’iisal wasaaraha.

Labada nin ayaa isku qabtay qorsho uu rabo ra’iisal wasaaraha oo ah in uu xilka ka qaado lix wasiir oo xiriir dhow la leh Xasan Sheekh oo uu ka mid yahay Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Arrintaas waxaa gaashanka u daruuray madaxweynaha oo ra’iisal wasaaraha u sheegay in uusan taaban wasiiradaas maadama uu dhawaan is casilay wasiirkii amniga oo xiriir dhow la lahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada nin ayaa kulanka ay yeesheen uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan waxaana muuqata in uu khilaafkan uu cirka isku shareeri karo haddii aan labada nin mid tanaasulaad muujin.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha uu khilaaf ka dhex dhesho in kastoo khilaafkan uu hadda u muuqdo mid bannaaka u soo baxay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa doonaya in loo madax baneeyo in uu soo xulo wasiiradiisa isla markaana xukuumadiisa uu ku soo daro wajiyo cusub.

Madaxweynaha ayaa horrey u ballan qaaday in uu dhici doono isbadal xooggan maadama dhinaca ammaanka uu fashil xooggan ku yimid, waana tan keentay in uu is casili wasiirkii horre ee amniga Cakbdiariin Xuseen Guuleed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com