XASAN Khaatumo miyuu aqoonsaday mise maamul goboleed cusub? (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaya inuu taageero maamul goboleed ka dhex sameysma Somaliland iyo Puntland, iyadoo dalku ku jiro kala qeybintii ugu danbeysay ee maamulo la filayo inay federaal noqdaan mustaqbalka.

Wararka laga helayo madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya inuu jiro qorshe madaxweynuhu ogolaaday oo ah in maamulka Gobolada Sool iyo Sanaag loo aqoonsado laba gobol oo maamul KMG ah leh isla markaana ka mid noqonaya maamulada dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Labadaas gobol waxaa hadda ka jira maamulka Khaatumo oo cadaawad siyaasadeed iyo mid milateri kala dhaxeyso labada maamul ee ku wareegsan Somaliland iyo Puntland, waxaana hadda Muqdisho ku sugan madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo arrimahan ay ka wadahadlayaan Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Soomaaliya ayaa la fileyn inay dhowaanahan shaaciso mowqifkeeda, inkastoo qorshahaani meel dhexe marayo ayaa hadda wuxuu keeni karaa inay burburan wadahadaladda u socda dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, dhinaca kale wuxuu xumeyn doonaa xiriirka dowladda Federaalka iyo Puntland oo laga yaabo inay xiriirka si kama danbeys ah ugu jaro Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com