Muqdisho (Caasimada Online) – War saxaafadeed kooban oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa Xeer Illaalinta looga codsaday in ay baaritaan ku samayso eedeymihii kasoo yeerey Hanti Dhawrka Guud Dr. Nuur Cali oo ahaa in madaxtooyada Soomaaliya ay ka hor istaagay in shaqadiisa uu guto.
Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu dalbaday in baaritaan lagu sameeyo eedeymaha ka dhanka ah madaxtooyada Soomaaliya.
War saxaafadeedka ayaa u qornaa sida hoose
Xafiiska Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu si weyn uga walaacsan yahay eedeymaha uu soo jeediyey Hantidhowrka Guud ee qaranka, waxaana uu ka codsadey Xeer Ilaaliyaha Guud inuu degdeg baaritaan ugu sameeyo eedeymahan.
Xafiiska Madaxtooyada waxaa ka go’an mar walbana diyaar u yahay taageerada in si hufan uu u shaqeeyo xafiiska Hantidhowrka Guud.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

