28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Mid ka mid ah wasiiradii la diiday oo wada qorshe uu xildhibaanada BF…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in C/kariin Guuleed uu wado qorsho uu ku kala fogeynaayo Xildhibaanada BF Somalia, gaar ahaan kuwa ku midoobay Isbaheysiga ee isaga kasoo horjeeda.

Wararku waxa ay sheegayaan in Guuleed uu Villa Somalia kulamo kala duwan kula qaatay Xildhibaano kor u dhaafayo 55 kuwaasi oo la sheegay inay kamid yihiin Isbaheysiga kasoo horjeeda in dib loo soo celsho Wasiiradii hore.

Guuleed ayaa la sheegay in Xildhibaanadaasi uu kula jiro heshiis, si uu u helo rajo muujineyso inuu mar kale kusoo laabto wasiirada, maadaama uu garab ka helay Beesha uu kasoo jeedo.

Sidoo kale, Guuleed ayaa waxaa la soo warinayaa in Madaxweynaha uu ka heysto garab, balse lagu xujeeyay inuu kasbado xildhibaanada kasoo hoorjeeda soo laabashadiisa.

Arrintaani ayaa waxa ay imaaneysa kadib markii C/kariin Guuleed uu kalsoon buuxda ka helay Odayaasha Beesha HabarGidir oo iyagu sheegay inaysan ku qanacsaneyn in xilka beeshooda loo dhibo mas’uul aan aheyn C/kariin.

Lama Oga sida Siyaasadaani taagan ay ka yeeli lahaayen Xildhibaanada BF oo iyagu Guuleed u arka inuu xambaarsan yahay fakirka Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News