24.9 C
Mogadishu
Saturday, February 14, 2026

Xildhibaano sheegay in qorshihii afarta wasiir uu xagal-daacinayo JAWAARI!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka DF Somalia, ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari uu la safan yahay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Xildhibaan Cabdullahi Maxamed oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka, ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu heshiis hoose kula jiro Ra’isul wasaare CCC.

Waxa uu sheegay in Maxamed Cusmaan Jawaari uu wado qorsho uu ku hirgalinaayo dib usoo celinta qaar kamid ah Wasiiradii la diiday, isagoona tilmaamay in hirgalintaasi uu u adeegsanaayo Xildhibaano ka tirsan kuwii is hortaaga ku sameeyay Xukuumada oo heshiis la ah Jawaari.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Jawaari xiligaani ay u arkaan caqabad lid ku ah Isbaheysiga Xildhibaanada ee diidmada ka muujinaayo in dib loo soo celsho Wasiirada.

Waxa uu ka digay in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu dhinac ka ahaado xurguf Siyaasadeedka ka dhextaagan Labada Gole.

Si kastaba, ma jiraan waxa caddeymo ah oo muujinaya in Jawaari la safan yahay ra’iisul wasaaraha, waxaana horey uu u taageeray go’aanka xildhibaanada ku diideen afarta wasiir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News