27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Goorta ERDOGAN uu ku beegan yahay MUQDISHO oo shaaca laga qaaday !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyib Erdogan iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, halkaasi uu kulan kula qaadan doono Ma’uuliyiin ay kamid yihiin Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalkaasi.

Saxaafada dalka Ethiopia oo soo xiganaysa wasiiru dowlaha wasaarada warfaafinta ee Ethiopia Ewnetu Belata ayaa sheegtay in madaxweyne Dayip Erdogan uu Dalka Ethioipia kasoo aadi doono Magaalada Muqdisho ee Cariga Dalka Somalia.

Waxaa Muqdisho iminka ku sugan wafdi hordhac u ah imaanshaha madaxweynaha dalka Turkiga, iyadoona Magaalada Muqdisho laga dareemaayo imaanshaha Recep Tayyib ee maalinta Jimcaha.

Erdogan ayaa booqashadiisa Jimcaha uu ku imaanayo Somalia ay noqon doontaa tii labaad, kadib markii uu sannadkii 2011-kii uu yimid Muqdisho, xiligaa oo uu ahaa Ra’iisul wasaare, iyadoo Somalia ay ka jirtay macluul daran oo ka dhalatay abaaro ku dhuftay inta badan gobollada Somalia.

Dowladda Somalia weli si rasmi ah uguma dhawaaqin booqashada la filayo in Madaxweynaha Turkiga ku yimaado Muqdisho maalinta Jimcaha, balse ilo xog-ogaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in Maalinta Jimcaha uu kusoo fool leeyahay Muqdisho.

Dhanka kale, Waddooyinka magaalada oo dhan ayaa la xiray, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay, waxaana sidoo kale la joojinayaa maalinta Jimcaha gabi ahaan duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Soomaaliya kasoo dagi jiray oo ay ka mid tahay diyaaradda Turkish Airlines.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News