Xasan Sh. oo warqad calaacal iyo jilicsanaan ay ka muuqato u qoray Hailemariam Desalegn (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh uga baxay ballantii ay horey u sameeyeen wasiirada arrimaha dibedda IGAD ee Muqdisho ku shiray 10-kii January 2015, ee ahayd in shir madaxeedka xiga ee IGAD lagu qabto Muqdisho bisha July 2015.

Hailemariam Desalegn, ayaa Xasan u sheegay in xaaladda amni ee jirta darteed aysan suurta-gal ahayn in shirkaas uu dhaco bisha July, isaga oo aan qaban waqti kaa beddela. Si kastaba Madaxweyne Xasan ayaa Hailemariam Desalegn u qoray warqad uu kaga codsanayo inuu shirka dhaco sideeda August 2015.

Xasan Sheekh ayaa warqadda uu qoray waxaa ku jira erayo calaacal iyo jilicsanaan ay ka muuqato. Warqadda ayey ka heshay Caasimada Online xubno ka tirasan wasaaradda arrimaha dibedda Somalia, balse waxaan go’aansanay inaan soo bandhigin si dadka ina siiyey aan loo dhibaateyn.

Si kastaba waxaan soo minguurinay qoraalka ku qoran warqadda ee hoos ka aqriso.

“Excellency and Dear Brother

In reference to the IGAD Council of Ministers’ 53th Extraordinary Session on Somalia on 10 January 2015 at Hotel SYL in Mogadishu, Somalia, in which the Council recommended to hold the next IGAD Summit in Mogadishu in 2015, Federal Republic of Somalia is willingly ready to hos the upcoming IGAD Assembly of Heads of State and Government Summit in Mogadishu on August 8, 2015.

It is therefore with great pleasure to request from Your Excellency as the Current Chairperson of the IGAD assembly to extend invitations to the IGAD Assembly of Heads of State and Government Attend upcoming IGAD Summit.

Please accept, Excellency and Dear Brother, the Assurance of my highest consideration.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com