27.9 C
Mogadishu
Sunday, January 18, 2026

Xasan Sheekh: Aniga iyo C/Wali islama shaqeyn karno, waa in BFS uu ridaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay xildhibaano ka mid ah baarlamaanka oo Villa Soomaaliya ugu tagay in isaga iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli aysan wada shaqeyn kaareyn, sidaasi darteedna laga doonayo inuu ka taga shaqada.

25 xildhibaan oo ku kulmay hoteel ku yaalla Muqdisho, ayaa sheegay in khilaafka madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli uu gaaray heerkii ugu saraysay, iyagoo tilmaamay inuu ragaadin karo khilaafkaasi horumarka iyo hiigsiga 2016.

“Waxaan Villa Soomaaliya ugu tagnay Xasan Sheekh, madaxweynaha DFS wuuu nagu yiri aniga iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli mawada shaqeyn karno, marka baarlamaanka waa inuu howshiisa qabsadaa oo uu xilka ka ridaa,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdi Abtidoon.

Waxa uu Abtidoon shaaca ka qaaday in madaxweynaha warkiisa iyo go’aankiisa uu cad yahay, uuna doonayo in Cabdi Weli uu xilka isaga tago.

Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay inay dalka gaarsiin doonto 2016 doorasho guud oo qof iyo codkiisa ah (one-man, one-vote) iyadoo laga duulayo dastuurka qabyada ah.

Baarlamaanka, xukuumadda iyo madaxweynaha oo ah hay’adaha hadda go’aanada dalka gaara ayaa ku mashquulsan inay is hagardaamiyaan oo mid midka kale ku mashquulsan yahay.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli oo is khilaafsan waxay ka dhigan tahay in lacago badan oo loogu talo galay mashaariic horumrineed lagu kala iibsado codadka xildhibaanada baarlamaanka.

Hiigsiga 2016 iyo hagardaamada madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa been ka dhigaysa balanqaadkii Xasan Sheekh oo ahaa inuu guud ahaan dalka doorasho ku qaban doono oo shacabka ay codadkooda ku dhiiban doonaan sanaadiiq.

Hiigsiga 2016 waxaa lagu gaari karaa wadasheyn wanaagsan oo u dhaxaysa hay’adaha dowladda iyo madaxda qaranka, balse taasi hadda ma muuqato waxaana shacabka ay ka rajo dhigeen hamigii dowlad federaalka u hayeen markii la dooranayay.

Shaqada iyo waajibaadka baarlamaanka waxay noqdeen kan siib, kanna saar oo ah ra’iisul wasaaraha ha la rido, midkana la ansixiyo, waxaana sidaasi ku lumay 2 sano.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News