Madaxweyne Xasan “Dadku waxaad moodda in ay ka war qabaan wixii anniga uurkeyga ku jira”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan shacabka Magaalada Muqdisho ay isla dhex marayaan warar la xiriira in Madaxweyne Xassan uu u hanqal taagayo inuu kororsado wakhtiga uga harsan Dowladiisa, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Madaxweynaha.

Madaxweyne Xassan ayaa meesha ka saaray in marka la gaaro sanadka 2016-ka ay dowladiisu damacsan tahay in ay kororsato wakhtiga.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan, ayaa sheegay inuu dareensan yahay in inta badan Siyaasiyiinta Xisbiyada iyo Shacabkuba ay la walaacsan yihiin kororsiga xilka, balse waxa uu balanqaaday inaysan ka talaabi doonin waxa uu sharcigu qabo.

Xassan ayaa cod dheer mar kale ku sheegay in dowladiisa mudo dheeri ah aysan kororsan doonin, waxa uu sheegay in marka la gaaro sanadka 2016-ka ay dhaceyso doorasho Qof waliba uu codkiisa dhiibto.

Nuqul kamid ah hadalka Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa “isbadalka aan dooneyno in uu ka dhaco dalka 2016 waa sidiisa, qof waliba xiligaasi codkiisa ayuu dhiibanayaa hadii aan gaari weyno meeshaasi sida xalka uu ku jiro ayaan sameyn doonaa, dadkuna waxaa looga baahan yahay inaysan la soo bixin wixii ku jira uurka”

Hadalkaan ayaa waxa uu Madaxweynaha ka sheegay munaasabada Xuska aas aaska Ciidamada Xooga uu kaga qeybgalay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

DF Somalia ayaan weli qaadin talaabo muujin karta in dalka uu ka dhaco doorasho xor ah, balse inta badan Madaxweyne Xassan ayaa ku celceliyo inuusan sameyn doonin wakhti kororsi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com