“XASAN Sheekh iyo asxaabtiisa filim horey daari rabeen, laakiin caalamka ayaa diiday. (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Hore Salaad Cali Jeele oo kamid ahaa xildhibaanadii dowladii kumeegaarka aheyd ayaa wareysi uu siiyay Idaacada Risaala oo kamid ah idaacadaha Muqdisho wuxuu ka hadlay arimo dhowr ah oo ku aadan marxalada uu iminka marayo dalka.

Salaad Cal Jeele, ayaa ugu horeyn wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo kulamada labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho oo looga arin sanayay aayaha Soomaaliya iyo nooca doorasho ee ka dhici karta Soomaaliya sanadka 2016.

Xildhibaan Hore Mr Jeele, ayaa ka hadlay qorshaha ay damacsanaayeen madaxda dalka Soomaaliya iyo waxyaabaha is badalay, maadaama lagu hishiiyay in la sameeyo madasha wadatashiga Qaranka.

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya madaxda ugu sareyso doonayeen iney sameeyaan waqti kororsi muddo sanado ah, laakiin ay ka diideen xubnaha beesha caalamka sida Qaramada Midoobay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in madaxda dalka ay doonayeen iney Soomaaliya ka sameeyaan waxii dhacay sanadkii 2012, islamarkaana aysan fulin doorashadii ay balan qaadeen.

“Ciyaar hore oo aan daawanay 2012 ayay doonayeen iney sameeyaan sanadka soo socda mana socon, sidoo kale waqti kororsi ayay doonayeen oo caalamkaa ka diiday”ayuu yiri Salaad Cali Jeele.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com