Xasan Sheekh iyo Erdogan oo arrimo xasaasi ah uga wadahadlay xiriir taleefoon

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dhigiisa Turkiga mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa tilmaamay muhiimadda ay caalamka u leedahay xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika.

Sidoo kale Erdogan iyo Xasan Sheekh ayaa isku raacay inay xoojiyaan doorka walaalaha Turkigu ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wada xiriiro caalami ah si uu taageero ugu helo khilaaf culus ee Soomaaliya kala dhaxeeya Itoobiya.

Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiskii xadgudubka ahaa ee madaxweynaha Somaliland uu la galay dowladda Itoobiya, waxaana socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xasaasi ah.

Madaxweynayaasha Masar, Turkiga, Qatar iyo madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ayuu taleefoonka kula xiriiray madaxweyne Xasan Shekh saacadihii lasoo dhaafay, dhamaantood waxay Soomaaliya ku taageereen mowqifka adag oo ay ka istaagtay xadgudubka Itoobiya.