Xasan Sheekh iyo kooxdiisa oo isku haya laba arrin oo la xiriirta Golaha Wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Nidaam walba oo ka dhasha Soomaaliya tan iyo 2009 wuxuu lahaa koox jilib culus ah oo ku xisaabsan inay dhisteen madaxweynaha markaas la doortay, waxaa loo yaqaanaa milkiilayaal fara maran.

Wax loo jeedo kuma bixiyaan guusha laakiin xataa inay qaarkood la joogeen dhowrkii cisho ee u dambeysay guuleystaha ayaa siisa darajada kooxda talada haysa.

Badankood xilal ayey helaan qaarna deg deg ayey mucaarad u noqdaan. Tixanayaashaan weli ma dhammaan, balse hadda xoogaa isbadal ah ayaa jira maadaama la sameeyey xisbiyo ku-meel gaar ah.

Nidaamka hadda dhashay ee Soomaaliya waxaa ugu xoog badan kooxda loo yaqaano UPD, waa xisbi ku-meel gaar ah, waa dhowr xisbi oo isku tagtay, waxaana ugu tun roon Daljir iyo PDP.

Guushii madaxweyne Xasan Sheekh kadib dhowr qof oo kooxdaan ka tirsan ayaa xilal la siiyey sida Mahad Salaad, Xamza Cabdi Barre, Xuseen Macallin iyo Xuseen Sheekh Maxamuud.

Hadda waxaa loo fadhiyaa dhismaha xukuumadda cusub. Laba cisho ka hor madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu casho u sameeyey milkiilayaasha faraha maran ee kooxdiisa.

Qof kamid ah dadkii ka qeyb galaya kulankaan wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu uga mahad celiyey kooxda kaalintoodii guushii 15-kii May. Wuxuu u sheegay inuu safaro geli doono kadibna uu meeleyn doono oo uu dowladda xilal ka siin doono intooda aan hadda xilalka heyn.

Dooda kooxda dhexdeeda taalla waa xooggan tahay. Xubnaha xil doonka ah ee kooxda waxay badi qabaan inay iyagu xilalka isku tixaan oo ay dhagaha ka fureystaan dhinacyada kale ee siyaasadda, gaar ahaan marka ay timaado qeybinta golaha wasiirada.

Laakiin xubno uu ra’iisul wasaare Xamza ku jiro waxaa la sheegay inay qabaan in maadaama ay xukunka sare haystaan inay fiicnaan laheyd inan xilalka qeybiyaan, gaar ahaan in xukuumadda wax laga siiyo musharaxiintii mucaaradka oo ay qaar xubno wataan, madaxda maamulada oo iyaguna xubno wata iyo guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo iyaguna shaqsiyaad wasiiro u raba.

Ra’iisul Wasaaraha kama qeyb gelin kulankaas cashada ah. Doodaan dhex wareegeysa kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ee ah xukunka aan haysano ee aan xilalka qeybino iyo maya ee aan wax walba inagu qaadano waxay leedahay laba faa’ido iyo laba khasaaro.

1- Faa’idada

Haddii la dhiso xukuumad midnimo qaran ah waxay xiiso iyo taageerayaal badan u yeeli doontaa nidaamka cusub oo hadda caajis badan ka muuqdo. Waxay yareyn kartaa naceybka dowladda cusub, waxay dib u dhigi kartaa mucaaradnimada, waxayna keeni kartaa siyaasad ka marag kacda wixii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku ololeeyey oo aheyd ahmiyad siinta isku heynta dhinacyada siyaasadda.

Tani waa faa’ido qaran. Haddii xubnaha UPD xilalka wasiirada lagu tixo iyadu waa faa’ido shaqsiyadeed oo Xasan Sheekh ayaa noqonaya siyaasi abaal leh oo saaxiibadii wax ka dhistay qurxiyey.

Labadaas faa’ido faraqiga u dhaxeeya qofna uma raadinaya fasiraad

2- Khasaaraha

Haddii xukuumadda lagu koobo kooxda madaxweyne Xasan Sheekh waxaa deg deg u dhallan doona mucaarad dhowr jiho ah, baarlamaanka dhexdiisa, musharixiinta mucaaradka, maamul goboleedyada iyo kooxda Farmaajo oo markii horaba gaar u taagneyd.

Waxaa dhici karta in Xasan Sheekh iyo kooxdiisa afarta sano difaac iyo wax iska caabin ay uga dhammaato.

Khasaaraha labaad waa mid kooban. Haddii xukuumadda la fidiyo oo laga dhigo mid loo dhan yahay waxaa macquul ah in xubno Xasan Sheekh lasoo ololeeyey inay kuraas waayaan kadibna ay mucaarad noqdaan ama ay madaxweynaha ku eedeeyaan mid aan abaal laheyn.

Labadaasi khasaaro mid Xasan ayey gaar u tahay midna dowladda. Inkastoo ay macquul tahay in laga fakaro xal dhexe oo isku heyn kara dhinacyada oo dhan haddana dadka arrimaha xukuumadda faaqidaya waxay leeyihiin Xasan Sheekh iyo Xamza waxaa isku garba taalla faa’ido guud iyo mid gaar ah oo kala doorasho u baahan iyo dhanka kale dagaal siyaasadeed saf ballaaran ah iyo mid kooxda dhexdeeda ka imaan kara oo isaguna kala doorasho u baahan, waxaana la eegayaa halka ay wax dhigaan maalmaha soo aadan.