Qorshaha 3 geesoodka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh oo la sharxay (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan xilligan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo maanta ka hadlayey machadka SETA ayaa sheegay in ugu dambayn ay dawladdu la xaajoon doonto, hadii ay ogolaadaan, isla markaana khilaafka lagu dhammayn doono si nabad ah.

Waxa uu sheegay inay dawladdu albaabada u fursayso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya inay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dawladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah cudud milatari, mid fikir iyo mid dhaqaale.

Jeneraal Cabdi Xasan Xuseen Cabdi Yare oo horay xilliyo kala duwan u soo noqday Taliyaha Nabad-Sugidda iyo Booliska ee maamul goboleedlka Puntland ayaa laga wareystay waxa uu ka dhigan yahay istiraatiiji ahaan hadalkii madaxweynaha.

Jeneraal Cabdi Yare oo la hadlay VOA ayaa aad u soo dhoweeyey hadalkii madaxweynaha iyo fahamka uu ka heysto xaaladda dalka, gaar ahaan maareynta marxaladaan dagaalka ah ee dowladdu ay kula jirto fikirka xag-jirka ah.

Wuxuu qiray in Soomaaliya aysan ka guul gaarin hafdkii dagaalka Al-Shabaab ee soo bilowday 15 sano ka hor, isagoo wax laga calool xumaado ku tilmaamay dhalinyarada la qalday ee duurka lagu laayo maalin kasta, iyaguna dadka laaya.

Jeneraal Cabdi Yare oo cabiray sida ugu fudud ee kooxdaan looga taqalusi karo ayaa sheegay in qorshaha madaxweynaha uu u muuqdo mid guuleysa kara, iyadoo dalka dhan guluf dagaal looga qaadayo kooxda argagixisada ah.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inay ku qasbanaa doonaan inay wadahadal galaan ama is dhiibaan, sidoo kalena ay suurta gal tahay in dalka dhan laga ciribtiro, maadaama dadka Soomaaliyeed ay u heelan yihiin nabad iyo kala dambeyn taaba gasha.

Hoos ka dhageyso wareysiga Jananka