Heshiiskii ay DF ku fasixi laheyd qaadka Kenya oo dib u dhacay + Sababta

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib u dhacay heshiis lagu saxiixi lahaa in dib loo fasaxo Qaadka dalka Kenya ee loo suuq geyn jiray gudaha Soomaaliya oo hadda xayiran ku dhowaad laba sano.

Wasiirka beeraha ee Kenya, Peter Munya ayaa sheegay in maanta aan la saxiixi doonin heshiis ganacsi oo u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya isagoo taas sabab uga dhigay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxauud uusan ka qeyb galin shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ee ka dhacaya dalka Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa hadda ku sugan dalka Turkiga, halkaasi oo la filayo inuu kula kulmo madaxxweynaha dalkaas Erdogan.

Peter Munya ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo saxiixi doono heshiiskaas, wuxuuna rajo fiican ka muujiyey inuu dib usoo noqon doono xiriirkii ganacsi ee ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya oo burburay shantii sano ee lasoo dhaafay.

Bishii June ayey aheyd markii wasiirka beeraha Kenya uu shaaca ka qaaday in wada-hadallada u dhexeeya labada dal ay galeen qeybtii ugu dambeysay si heshiis looga gaaro in xayiraad ay Soomaaliya ka qaado qaadkii Kenya.

Soomaaliya ayaa hakisay qaadkii laga dhoofini jiray Kenya labo sannadood ka hor oo ay taariikhda ku beegnayd 19-kii Maarso ee 2020, iyadoo sabab looga dhigayo xayiraadaha Covid-19, balse markii dambe la ogaaday inay aheyd arrin siyaasadeed.

Waxaa kadib la fasaxay qaadka Itoobiya oo heshiiskiisa loo xiray xubno ka tirsan qoyska madaxweyne Farmaajo iyo dad xulufo la ah, kuwaasi oo ka sameeyey lacag malaayiin dollar ah.

Ganacsatada Kenya ayaa si maalin ah waxay suuqa Qaadka ee Soomaaliya ka heli jireen lacag lagu qiimeeyey in ka badan 20 milyan oo shilinka Kenya ah oo dhiganta ku dhowaad 200 oo kun doolar.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay dowladda Kenya fasixadda Qaadka uga badalato waxyaabo kale sida in dal ku galka loo fududeeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo in dalka Kenya loo dhoofiyo kulluunka Soomaaliya.