Muxuu Xasan Sheekh ku macneeyey xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya Turkiga?

By Zahra Axmed Gacal

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey xarunta siyaasadda, dhaqaalaha iyo cilmi-baarista arrimaha bulshada ee SETA ayaa si qota dheer uga hadlay faa’iidooyinka laga dhaxlay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Xasan Sheekh ayaa sheegay xiriirka labada dal uu aad u xooggan yahay siyaasad iyo diblomaasiysad ahaanba, sidoo kale dhinaca taageerada amnigana uu leeyahay istaraatijiyad iyo wada-shaqeyn ka dhan ah dagaalka looga soo horjeedo argagixisada caalamiga ah.

Sidoo kale horumarinta dhaqanka iyo xiriirka ka dhexeeya labada shacab eek u saleysan dhaqaalaha iyo ganacsiga ayuu sheegay madaxweynuhu inuu sii korayo, taas oo laga arki karo maalgashiga muudqa ee labada dal.

“Soomaaliya iyo Turkiga waxa ay ku naaloodeen xiriir taariikhi ah, kaas oo ku qotoma ia-ixtiraam iyo iskaashi tan iyo markii ay Soomaaliya heshay gobonimadeeda 1960kii. Hase ahaatee, xiriirkan waxa uu sii laba kac-leeyey markii uu booqasho taariikhi ah Soomaaliya ku yimi Agoosto 2011, Mudane Recep Tayyip Erdogan oo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaare, markaas oo ay Soomaaliya ku jirtay xaalad bani’aadannimo oo ba’an,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga ku macneeyey ka go’naahashaha shucuubta iyo hoggaanka labada dal, kaas oo lagu adkeynayo xiriirka.

“Dhammaan kulamadii aan la yeeshay madaxweyne Erdogan, xubnaha dowladda Turkiga, bulshada rayidka ah iyo ganacsatada, Soomaaliya waxaa loo arkaa meel ka guda ballaaran fursad kaliya. Waa meel ay dowladda Turkiga iyo dadkeeda dareensan yihiin in ay dadka Soomaaliya kala kaashan karaan bedelidda xaaladda adag, taas oo nolosha dadka Soomaaliyeed bedeli karta, una abuuri karta fursado si wadajir ah looga faa’iideysto, haddii ay ahaan lahayd iskaashiga siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha,” ayuu yiri.

Madaxweynaha oo sii hadlaayey ayaa Iskaashiga Turkiga ee dhinaca amniga wuxuu ku macneeyey mid faa’iido weyn u ah dadaallada dowladda Soomaaliya uga adkaaneyso Al-Shabaab, si xasillooni loogu soo dabbaalo dalka.

Tababbarada Booliska Soomaaliyeed, Saraakiisha iyo Ciidamada ee gudaha dalka iyo Turkiga, iyo xarunta tababbarrada ee TURKSOM ee Muqdisho, ayuu madaxweynuhu ku tilmaamay kuwo cajiib ah.

“Soo saaridda ciidamo, horumarinta xirfadaha ciidamada hadda jira waxa ay muhiim u yihiin amniga qaranka Soomaaliya xilli aan dooneyno in aan mas’uuliyadda amniga kala wareegno Hawlgalka Kumeel Gaarka ah ee Midowga Africa 2024-ka.   Soomaaliya iyo Turkiga waxa ay sidoo kale ku naaloodaan xiriir xooggan oo la xiriira dhinaca aqoonta iyo wadaagga xogta ku saabsan dhaq dhaqaaqada argagixisada iyo, waliba hore u socodka, arrimahani waa kuwo ay naga go’an tahay in aan sii xoojinno.”

“Turkiga waxa ay hore, iyo haddaba door muhiim ah ku leedahay is bedellada dhaqaale ee Soomaaliya iyada oo si joogta ah oo deeqsinimo leh uga taageerta dowladda Soomaaliya miisaaniyadda laga soo bilaabo maamulkeygii hore ee 2012 ilaa iyo hadda. Kabkaas miisaaniyadeed wuxuu muhiim u yahay taageerada dowladda Soomaaliya ee hawl-fulinta iyo ku guuleysiga hirgalinta tubta is bedellada dhaqaale ee ay jeexday hay’adda Sanduuqa Lacagta ee Aduunka (IMF).” Ayuu yiri.

Wuxuu Xasan Sheekh intaas ku sii daray, “Waxaan ku rejo weynnahay in dowladda Turkiga ay sii wadi doonto taageeradan faa’iidada leh xilli Soomaaliya ay ka shaqeyneyso in ay hore u waddo dhabbihii ay ku gaari lahayd isku filnaansho dhaqaale. Taas waxaa dheer, iskaashiga Soomaaliya iyo hay’adaha maalgashi ee Turkiga ee meelaha muhiimka ah ee dakhliga laga soo saaro sida Dekedda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha, kuwaas oo gacan ka geysta sare u qaadidda dakhliga gudaha iyada oo loo marayo maalgashigooda haddii ay ahaan lahayd dhisidda kabaabeyaasha dhaqaale, taasi waxa ay caawineysaa barnaamijyada is bedellada dhaqaale iyo in faa’iido laga sameeyo.”

“Mustaqbalka fog, xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Turkiga horumar weyn ayuu ku tallaabsan doonaa haddii ay noo suurtagasho in aan sare u qaadno maalgashiga iyo isu socodka ganacsiga ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan waaxaha tartanka ka jiro ee Soomaaliya iyo fursadaha Dhaqaalaha Badda (The Blue Economy). Haddii aan Soomaaaliya nahay, waxaan arritan u aragnaa siyaasad dhaqaale oo faa’iido leh, waana sii wadi doonnaa in aan dowladda Turkiga kala shaqeyno ajandahan, anaga oo ka eegeyna faa’iidada ay u leedahay labadeenna bulsho iyo dalba,” ayuu yiri.

“Waxaa barbar socda iskaashiga iyo taageerada waxbarasho, maalgashiga dowladda Turkiga ku sameyso bixinta adeegga dadweynaha aas aasiga ah ee gudaha Soomaaliya sida tababbarrada caafimaad iyo adeegyada uu bixiyo cisbitaalka Recep Tayyip Erdogan ee Muqdisho, waa mid saameyn weyn oo muuqata leh. Cisbitaalka waxaa ila furay madaxweyne Erdogan markii uu soo booqday Soomaaliya sanadkii 2015-kii waana cisbitaalka ugu weyn ee ugu horumarsan Soomaaliya, waxa uu door weyn ka qaatay ka jawaabiddii Soomaaliya ee cudurka safmarka ah ee COVID-19 iyo waliba shaqada maalinlaha ah ee lagu badbaadiyo nolosha dadka iyada oo la marayo habraacyo kale.”

“Dhinaca gargaarka bani’aadannimo, Turkiga waxa uu ahaa saaxiib ay Soomaaliya si joogta ah ugu tashato. Maanta, dowladda Turkiga waxa ay wali kaalin ka qaadaneysaa xaaladda xanuunka badan ee haatan taagan iyada oo u mareysa hay’adda Turkiga ee Wada-shaqeynta iyo Isku xirka  (TIKA). Hase yeeshee, iyada oo hore loo soconayo, dowladdeyda waxaa ka go’an in ay xal waara u raadiso masiibooyinkan soo noq-noqda ee la xiriira isbedellada cimilada taas oo saameysa guud ahaan Geeska Afrika, si daranna waxyeello ugu geysata dalal sida keyga (Soomaaliya), taas oo ay sabab u tahay awood yarida aan u leenahay maalgashi lagu sameeyo kaabeyaasha looga hortago is bedellada cimilada, waxaa taas sabab u ah dhaqaaleheena yar balse kobcaya.”

“Waxaan ku soo gunaanadayaa, khibradda Soomaaliya ee faa’iidada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waa mid saameyn weyn oo togan leh. Turkiga waxa ay wali barbar taagan tahay Soomaaliya iyo dadkeena xilli aan ku guda jirno hayaanka aan ku baadi-goobeyno xasillooni iyo horumar. Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu ku qotomaa horumarinta nolosha dadkeenna iyo ka wada-shaqeynta sidii aan heer ka sii sareeya hadda siduu yahay aan u gaarsiin laheyn xiriirkeena Iyada oo taas laga duulayo, waxaan ku kalsoonahay in xiriirka labada dal sii xoogaysan doono xilli aan si wadajir ah ugu dhaqaaqi doonno mustaqbal horseeda fursado ay gundhig u yihiin in la wada guuleysto,” ayuu Xasan Sheekh ku soo gabagabeeyey khudbadiisa.