Xasan Sheekh iyo Shariif oo qorshe dejinaya iyo DF oo xirtay waddo muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo xubno kale oo kamid ah Golaha midowga musharaxiinta ayaa caawa yeeshay shir saacado qaatay, kaas oo ay uga hadleen go’aankii xukuumadda ee lagu joojiyay banaanbaxyada iyo kulamada dadweynaha.

Midowga musharaxiinta ayaa dejiyay qorshayaal u suurta gelinaya in ay dhigaan banaanbaxa todobaadkaan, waxaana la filayaa in berri ay la hadlaan warbaahinta.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa wada shirar gaar gaar ah oo ay uga hadleyso abaabulka banaanbaxa mucaaradka iyo sidii loo joojin lahaa banaanbaxaas.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Rooble ayaa la kulmay siyaasiin ku heyb ah madaxweynayaashii hore ee dalka, waxayna ka dalbadeen in ay ka qeyb-qaataan baajinta banaambaxa la qorsheeyay ee ka dhacaya taallada Daljirka Dahsoon.

Durba Muqdisho waxaa laga dareemayaa culeys ciidan iyo dhaqaaqyo ka socda dhinaca dowladda, goobo hor leh ayaa ciidan la dhigay, waxaana jidadka caasimadda kuwooda muhiimka ah lagu baarayaa gaadiidka iyo dadweynaha.

Sidoo kale wadada aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa caawa biro lagu gooyay, waxaana looa diiday inuu maro gaadiidkii u socday dhinaca garoonka.

Waxaa sii kordhaya wal-walka laga qabo in khilaafka ka taagan doorashada dalka uu sababo gacan ka hadal, waxayna musharaxiinta mucaaradka ah ku adkeysanayaan in Jimcaha ay qabanayaan banaanbax nabadeed, halka dowladdu ay si cad u sheegtay in aysan ogolaa doonin banaanbaxaas.