Xasan Sheekh Maxamuud oo shaaciyey qatar ka soo socota Galmudug (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u warramayey TV-ga Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrinta maamul u sameynta ee Galmudug.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horreyn ka digay dhibaato hor leh oo ka dhalata ciidamada kala duwan oo ay dowladda Soomaaliya ku daabuleyso gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii aan si fiican loo mareyn arrinta Galmudug ay dhici karto qatar xoog leh oo ka daran tii Koonfur Galbeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Walaahi Galmudug, haddii aan si fiican loo maareyn qatar xoog leh oo tii Koonfur Gaalbeed ka daran ayaa ka soo socota oo ah in la’is dilo.” ayuu yiri, Xasan Sheekh.

Dhinaca kale wuxuu Madaxweynihii hore ee dalka ka hadlay khilaafka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, kaas oo saameeyey xiriirka labada dhinac.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyey dowladda hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) in aysan sidii la rabay u maamulin nidaamka federaalka ee uu dalku qaatay, islamarkaana ay dib u dhigtay.

“Sida nidaamka federaaliisamka ee Dastuurka Soomaaliyeed uu qorayo oo Ummadda Soomaaliyeed ay ku heshiisay ee aan annagu u dareenay in la dhaqan galiyo ee aan wax ka bilownay ee meel aan soo gaarsiinay aniga ra’yigeyga waxaa waaye dowladdaan sidii la rabay uma maamulin, sii ma hor marinin sii ma qurxinin bal dib ayey u dhigtay.” ayuu mar kale yiri Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan meel xun uu marayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland.